Waa maxay tirakoobku?
Tirakoobka waa tirinta dadwaynaha 10-kii sanaba mar. Waa muhiim in qof waliba lala xisaabiyo sababta oo ah tirakoobka ayaa saameyn ku leh arrimo badan oo muhiim ah.
Naga Caawi tirinta gof walba manta: https://2020census.gov/
Maxuu tirakoobka Muhim u yahay?
Tusaale ahaan, Macluumaadka tirakoobka waxaa loo isticmaalaa in lagu garto Immisa lacag ah ayay dawlada iyo dawladaha hoose ay helaan dhinaca:
- Medicaid,
- Foojarada guryaha lagu bixiyo,
- Barnaamijka Kaalmada Nafaqada Dheeraadka ah (SNAP),
- Barnaamijyada waxbarashada.
Minnesota waxay halis ugu jirtaa inay khasaarto mid ka mid ah 8deeda wakiil Koongareeska noo fadhiya oona noo hadla hadaanan nala tirikoobin.
Maxaa Lagu Waydiin Doona?
- Tirada dadka ku nool ama jooga gurigaga bisha Abril 1,2020.
- Haddii gurigu lagu leeyahay ama aan lagu lahayn deyn, kiro ama lagu deganyahay kiro la’aan.
- Magaca, jinsiga, taariikhda dhalashada iyo asalka (Isirka) qofkastoo guriga jooga.
Waxaad u baahan tahay inaad ogaato
- Majirto Su’aalo Qusaysa Sharciga dhalashada.
- Macluumaadkani waa mid Qaas ah sidaa darteed si daacad ah u hadal.
- Lagaama rabo bankigaa waxaa ku jiraa ama nambarka social.